Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada DFS Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho?

Kooxo hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada militariga Soomaaliya waxey ku dileen Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa  Shaaciye.com  u sheegay in dilka Sarkaalkan uu ka dhacay Xaafada Siliga ee Degmada Wadajir.

Waxaa uu tilmaamay in Ruux kale oo Shacab ah uu ku dhaawacmay rasaasta lagu furay Sarkaalka geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in Raggii ka dambeeyay falkaasi dilka ahaa ay isaga baxsadeen.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan Caawa ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.