Qaraabku wuu dhammaane caruurta yaan la qixin

Tan iyo dowladahiihi ku meel gaarka ahaa waxaan maqlaynay wasiir xoolo dhacay iyo agaasime xisaab la gooystay sidaa darteed nagumo cusbo jiritaanka dad naftooda usoo shaqo tagay. Hasa yeeshee waxaad mooddaa in dhacdooyinka is dabada joogga ahaa ee ayaamahaan ku kacayeen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyadda ay u keentay niyad-jab iyo quus dad Soomaaliyeed. Sidaa awgeed waxaan jeclaystay inaan tusaaleeyo dadkeena inta tabartayda si moraalkoodu u dhismo una fahmaan in dhibku uusan kaligeen ahayn ee dal walba oo burburo u dabeecad u leeyahay inay baryaha hore hantaan madax naftooda u qaraab doon ah.

Eebe in badan ayuu qisooyin Qur’aanka kariim ah ku keenay. culimada tafsiirku waxay sheegeen in waqtiyadda kala duwanaa ee suuradaha iyo ayadaha qisooyinka Suubanaha SCW lagu soo dajiyay ay ahaayeen marar uu culeys badan dareemay sidaa darteedna looga warramay in hortiis waxaanu jireen nabiyo badanna ay qabsadeen in badan inta isaga haysato si niyadda loogu dhiso laabtiisana loo waasiciyo. Hadaba anigoo halkaas ka duulayo ayaan halkaan idinkula wadaagi qiso ka dhacday dalka Siiraalyioon oo ah dalka Afrikaan ah.

Dalka Siiraaliyoon waxaa ka dhacay dagaal fool xun oo arxan-darro ahaa intii u dhaxaysay 1991-2002-di. Jamhaddi hubaysnayd ee dowladda ku kacday waxay bilowday inay gacmaha ka jaraan dadka shacabka ah ee lagu tuhmay inay dowladda taageeraan ama qabiil la wadaagaan. si loo hubiyo in dhibku noqdo mid aan laga soo kaban, madaxda jamhadda waxay abaal marin iyo daroojin ku bixin jireen hadba inta gacmood ee askarigoodu keeno.

Sidaa darteed caruurta ay askareeyeen ayaa subixii u kallaho tuulooyinka ay dagan yihiin dadka xoolo dhaqatada  iyo beeralayda ah waxayna gacmaha ka soo guraan cid walba oo ay ka xoog badan yihiin, mid walbana casarki ayuu yimaadaa isagoo sido jawaan uu qaadi la’yhay oo gacmo caruureed ah.

Arintaan waxay argagax galisay aduunka oo dhan, waxaa muraala dillaacay qof walba oo daawaday caruurta yar-yar oo gacmaha gumudan ee dariiqyada wareegayo, gurmad balaaran ayaana loo fidiyay. kumanaan kun oo hayadood ayaa isugu yimid. xeryo dhowr ayaa loo furay si loogu xannaaneeyo dadka ku curyaamay. Waxaa loo keenay maraakiib gacmo iyo lugo macmil ah (artificial) ilaa meel la dhigo la waayay. Xeryihii loo dhisay caruurta ayaa isu badalay xarunta ‘igu sawir’ ee dhammaan dadka caanka ah ee aduunku isugu yimaadaan ilaa ay u muuqatay in qofki magac leh ee tagi waayo loo arko mid aan damiir aadane lahayn.

Fursadaan waxaa ka faaiidaystay qowlaysato kala shaatiyo duwan oo ay u muuqatay in fursadda ganacsi meesha ku jirto. waxaa loo kala tartamay helitaanka koox caruurta gacmoolayaasha ah si loogu shaqo tago lacagna loogu soo aruursado. Waxaa dunida dacaladeeda gaar ahaan wadamada Galbeeka ka yimid dad leh caruurtaan ayaan soo dawaynaynaa.

Gabadha la yiraahdo Linda Polman ayaa buugeeda (War Games) ay ka qortay sida cawimaadaha la siiyo wadamada dagaaladu ka jiraan ay usii huriyaan dagaalka waxay ku warisay qisidaan. waxay tiri anigoo maalin socdo ayaan arkay xayaysiis ku qoran mid ka mid ah joornaalada wadanka Siiraaliyoon. Xayaysiisku wuxuu leeyahay 25 canug ayay hay’ad heblo fiisse ooga heshay dalka Jarmalka marka waxaa la rabaa cid tikidhada ka bixiso.

Magaca NGO-ga ayaan soo qortay waxaana billaabay inaan baaro cidda iska leh. hadba sidii meel la iigu tilmaamayay ayaa ugu danbayn ku biyo shubatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Siiraaliyoon. Ballan ayaan ka samaystay si aan ula kulmno oogana waraysto waxa ay yihiin caruurtaan iyo meesha ay u wadaan.

Xafiiskiisa ayuu igu ballamaiyay oo aan oogu imid. Waxaan iri NGO-gaan yaa iska leh? Wuxuu yiri wasiirki waxaa leh aniga iyo ina adeerkay oo Jarmalka dagganaa 30 sano. Ina adeerkay kaniisad ayuu imaam ka ahaa, qof caan ah oo la aamino ayuuna meeha uu dagan yahay ka  noqday. Nasiib darro lacag kama uusan samayn kaniisaddi waxaana hoos u dhacay dadki ku xirnaa ee joogtada u imaan jiray.

Maalin danbe ayuu arkay in caruurta wadankeena lacag noqdeen oo caddaanki oo dhan ka faaiidaysteen markaas ayuu ila soo xariiray oo ii sheegay haddaan hayad samayno inuu layn soo xirayo. Sidii ayaan yeelnay hadana wuxuu fiise iyo lacagtii lagu dawayn lahaa u helnay 25 canug. Waxay tiri Linda wasiirku gadaal ayuu u fadhiyaye intuu horay usoo fadhiistay xusuladana saartay miiski noo dhaxeeyay ayuu isagoo malafsanayo yiri HADAY ARINTAAN NOO MARTO ANI IYO CARUURTAYBA WADANKAAN WAAN ISAGA TAGAYNAA OO JARMAL AYAAN U GUURAYNAA!! Ogow wadanka uu leeyahay waan isaga tagaynaa waa midka uu wasiirka ka  yahaye.

Labo arimood ayaan sheekada u keenay. Mida koowaad. Soomaalidu ha ogaato in madaxda soomaalidu (dowalada dhexe ama maamul goboleedyada kay rabaanba) yihiin labadaas nin ee aan kor kusoo xusnay. Kuwa qurbaha ka yimid waxay la mid yihiin midka markay Kaniisadda u shaqayn wayday caruurta ku qaraab tagay. In badan oo ka mid ah madaxdeena markay qurbaha wax ka keeni waayeen ayay Soomaaliya ugu soo noqdeen si ay u tabcadaan. Kuwa gudaha joogay waxay la mid yihiin wasiirkaas oo waxay sugayaan inta mar layn ku filan iyaga iyo caruurtooda u galayo, markaasna ay si fudud ku qaataan baasaboor Itoobiyaan, Kiinyaan ama Jabuutiyaan ka dibna wadankay rabaan u guuraan.

Ogaada in madaxda iyo kuwa kale ee ka shaqeeyo xafiisyada dowladda ama maamul goboleeyada ay caruurtoodi joogaan wadamo nabad ah, dhigtaan iskoolo bilaash ah, haystaan caafimaad iyo xannaano ku filan mana jiro hal qof oo ka mid ah oo reerkiisi iyo caruurtiisi wadanka keenay. Kuwa kalana ay haystaan lacag ku filan oo ay caruurtooda ugu rartaan wadamo kale. Sidaa darteed waxa dhibku gaarayo waa inta shacabka ah ee tabarta daran iyagiibaana u sacab tumayo nin soo qaraab tagay.

Arinta Labaad waxa ay tahay in dalka walba oo burburay uu maro marxalado dhib badan si fududna uusan dib ugu dhismin. Waxaan arki doonnaa waxa aan hadda aragno iyo wax ka daran. Waxaa lagu hungoobi dad badan oo aan filaynay inay libaaxyo yihiin. Waxaa barriiqan qof daacadnimo iyo howl-karnimo lagu filayay waxaa la suuq geyn dalka oo dhan. Hasa ahaatee horumarku wuu socon. Wadanki Siiraaliyoon ee aan kasoo sheekaynay hadda waa nabad wana kaa ciidamada nabad ilaalinta noo soo diray.

Sidaa darteed yaan la quusan, niyaddana la xumayn. Marka walba oo xaladahaan oo kale yimaadaan dib u jalleec wixii la soo maray. 20 sano ka hor, 10 sano ka hor 5 sano ka hor, waxaad ogaanaysaa in horumarka socday tartiibba ha ahaadee.

Gabagabadii waxaan leeyahay kuwa u sacab tumayo xaalada murugsan ee uu wadanku galay QARAABKU WUU DHAMMAANE CARUURTA HA QIIXINNINA.

Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/