Muxuu Ka Yiri Ra’iisul Wasaare Kheyrre Lacagaha Deeqda Ee Sacuudigu Usoo Geliyay Gudaha Soomaaliya

Ra’iisuul wasaaraha SOomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa aad u bogaadiyay dawladda Sacuudiga, kaddib kaalmo kacago badan ku fadhisa oo ay soo gaarsiiyeen dalka.

Ku dhawaad $50-million oo Dollar lacag ku simman ayeey dawladda Soomaaliya ka heshay dhiggeeda Sacuudiga, waxaana loola gon leeyahay in lagu xalliyo arrimaha abaaraha iyo dhaqaalle la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Dadka qaar ee fallanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in qorshaha lacagtan ay hor dhac u tahay heshiis dawladda Soomaaliya iyo tan sacuudiga ay wada galeen dhawaan.