Madaxwayne Farmaajo Oo Kusii Wajahan Dalka Sudan Iyo Wefdi Cusub Oo Safarkiisa Ku Wehlin Doona

MAdaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa isag aiyo wefdi uu hoggaaminayo in ay aadaan dalka Suudaan ee Wooyiga Afrika.

Bil kahor ayeey ahayd markii xukuumadda Khartuum ay warqad casuummaad ah u dirtay madaxwaynaha Soomaaliya, hasa yeeshee dib ayu u dhigtay, ugu dambeyn arbacada beri ah ayaa lagu wadaa in uu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayeey ahayd markii madaxwayne Farmaajo uu safar ku tagay dalka Sucuudiga, waxaana ay kamid tahay safarradan kuwa u qorsheysan madaxwaynaha in uu ku maro waddamada gobolka ka dhisan.

si kastaba ha ahaatee wafdiga madaxwaynaha waxaa wehlinaya xildhibaanno labada aqal kakala socda oo qayb ka noqonaya safarka madaxwaynaha ee magaalada Khartuum.