Shariif Xasan Oo Bilaabay Qorshe Ka Dhan Ah Xildhibaannada Kasoo Horjeeda

Waxaa beryihii lasoo dhaafay la isla marayay waddooyinka iyo goobaha fadhi ku dirirka sheekooyin sheegayay in xildhibaanno ka gadoodsan maamulka Shariif Xasan ay ku shirayaan gobolka Sheebeelaha hoose qaybo kamid ah.

Degmada Afgooye ayaa carabka lagu dhuftay waxaana tiro ahaan lagu sheegay xildhibaannada kasoo horjeeda shariif Xasan Sheekh Aadan ilaa iyo 27-xildhibaan.

Tan iyo markaas madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bilaabay ugaarsiga iyo raadceynta xildhibaannada qalalaasaha kuwada maamulkiisa.

Degmada Afgooye ayaa loo diray ciidamo badan oo ka amar qaata madaxwayne Shariif waxaana lagu amray in ay soo xir xiraan xildhibaannada ku shiraya ama doonaya in ay ku shiraan halkaas si ay xilka kaga qaadaan.

Shariif Xasan ayaa kamid ahaa madaxdii qaadatay go’aanka ahaa in xiriirka loo jaro waddanka Qatar oo dawladda soomaaliya go’aan dhex dhexaad ah ay ka gaartay.

SI kastaba ha ahaatee horaan amar kaga soo baxay Shariif Sakiin ayaa looga mamnuucay magaalada Baydhabo qaar kamid ah xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee dawladda Federaalka ku jira iyo kuwa kale ee isla maamulkaas kasoo horjeeda, maadaama looga baqay in ay af gambiyaan maamulkaas.