Nin Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ka Dambeeyay Weerar Ka Dhacay Edmonton Canada

Booliska Magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa qabtay C/llaahi Hassan Shariif oo 39-sano jir ah, kaas oo lagu eedeeyay in uu fuliyay weerar dhawaan ka dhacay magaaladaas.

Booliiska ayaa ka shakiyay Cabdullahi kaas oo ku sugnaa agagaarka goobta ay wax ka dhaceen, taas oo shakiga badisay, waxaana hadda kusocda baaritaanno maadaama loo heysto mas’uuliyadda weerarkaas.

C/llaahi Hassan Shariif ayay booliska sheegeen inuu ku lug lahaa weerarkii loo adeegsaday gaari dad lagu jiirsiiyay oo lagu dhaawacay Boolis iyo dad kale.

Gaariga falka fuliyay ayaa laga dhex helay calanka ISIS taas oo shakiga iyo walaaca sii badisay, waxaana ay sidoo kale qareennada kasoo horjeeda ay sheegeen in taas ay caddeymo buuxda u tahay in Cabdullahi uu kamid yahay kooxda ISIS islamarkaana uu isaga qayb ka ahaa kooxdii fulisay weerarkaas.