Maxaa ka jira in la wado qorshe lagu mideynaayo Ciidamada KG iyo Kuwa Mukhtaar Roobow?

Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Waxaa ay Wadaan Qorsho lagu mideynayo Ciidamada Maamulkaas iyo maleeshiyaadka Sheekh Muqtaar Roobow Abuu mansuur.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga ee Maamulka Koofur galbeed Cabdi Risaaq Cali Aadan ayaa Waxaa uu Sheegay in Qorshahan  lagu mideynayo Ciidamada Koofur galbeed iyo Maleeshiyaadka Roobow ay wadaan.

Sidoo kale wasiir xigeenka ayaa sheegay in Dhawaan Ciidamada Maamulka Koofur galbeed iyo Maleeshiyaadka Sheekh muqtaar roobow ay Weeraro ku qaadi doonaan Al-Shabaabka ku sugan Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Sheekh Muqtaar roobow ayaa Haatan Waxaa ay ku sugan yihiin Deegaanka Abal oo ku yaalo duleedka degmada Xudur ee Xarunta gobalka Bakool.