Howlgallo Dadkii ugu Badnaa lagu Soo Qabtay Oo ka dhacay Muqdisho?

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal dad badan lagu soo qab qabtay waxa ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo u muuqdey mid qorsheysan ayay ciidamada ammaanka dowladda waxa ay ka sameeyeen degmooyinka Wardhiigley,  Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaasi oo ay ku soo qab qabteen in ka badan 50 dhalinyaro ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalku xalay fiidkii illaa Saqdii dhexe u socday, islamarkaana dhalinyaro fara badan lagu soo qab qabtay.

Muddooyinkii dambe ayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya howlgallo ballaaran waxa ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay sii xoogeysteen falalka ammaan dari ee ka dhacaya xaafadaha Magaalada Muqdisho.