DEG DEG:- Qarax Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Las Vegas Ee Dalka Mareykan-ka

Laba qofood ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen kaddib weerar loo maleynayo in ay fuliyeen naftii hurayaal Jihaaddistayaal ah oo ka dhacay magaalada loo raaxo tago ee Las Vagas dalka Mareykan ka.

Warbaahinta maxaliga  ah ayaa werineysa in buuq iyo sawaxan uu isqabsaday agagaarka Hotel caan ah oo ku yaallay magaaladaas.

Mandelay Bay Hotel waa Hotelka weerarka lagu qaaday waxaana xilliga falka uu dhacayay ka socday bandhig fanneed ay dad badan kasoo qayb galeen.

Durba ciidanka Booliska magaaladaas ayaa goobta soo gaaray waxaana ay isku dayeen in ay badbaadiyaan dadka goobta kusugan, maadaama qaarkood ay ku sigteen in ay iska soo tuuraan daaraha dhaadheer iyo fooqyada ay dhakada ka saarnaayeen cabsi soo wajahday awgeed.

Tobaneeyo qofood ayaa ku dhaawacmay isla weerarkaan oo aan weli aysan jirin cid mas’uuliyaddeeda sheegatay, hasa yeeshee loo maleeyo in uu yahay mid ay fuliyeen kooxaha Islaamiyiinta ee Jihaadka aaminsan.

Haddaba Hoos ka Fiirso/ Daawo sawirrada goobta uu weerarka ka dhacay.

Vegas 6
Vegas 6
Vegas 5
Vegas 5
Vegas 3
Vegas 3

Vegas 2
Vegas 2