DEG DEG:- Alshabaab Oo Markale Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bariirre

Warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ayaa saakay sheegaysa in kooxdaas ay markale ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhawaan ayeey ahayd markii ay kooxdaas weerar garbbo simman ah ku qaadeen deegaankaas, waxaana lagu soo waramayaa in halkaas uu ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeya alshabaab iyo ciidanka dawladda ee halkaas farriisimaha ku leh.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka dawladda oo ku aaddan weerarkaas balse waxaa jirta in kooxda alshabaab ay sheegteen in ay qabsadeen saldhigga deegaankaas, islamarkaana ay saacado ka heysteen ciidanka DFS sida ay sheegayaan warbaahinta afka kooxdaas ku hadasha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa kusoo noqnoqday deegaannada soomaalida gaar ahaan degmooyinka gobolka shabeellaha hoose weerarrada ay Alshabaab ka fulinayaan.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi idmo Inshallah