Xildhibaano Mooshin Ka Wada Dekedaha Soomaaliya ee Imaraadku La Wareegayo

Sacdiya Salaad oo ka mid ah Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ee Puntland laga soo doortay oo wareysi siisay warbaahinta  ayaa sheegtay in Barlamaanka Soomaaliya uu mooshin ka wado dekedaha Soomaaliya ee Imaraadku la wareegayo waxaa ay eedayn u jeedisay madaxwaynaha Puntland oo ay sheegtay in uu arinta dekada dardar galiyey markuu maqlay mooshinka Barlamaanka Ku joojinayo.

Waxaa ay tilmaantay in lacagtu dhisi karto 2dekadood Madaxweyne C/wali Gaas rabo in uu shacabka hantidooda iyo Guryahooda burburiyo waxaa ay sheegtay in aysan ka soo horjeedinta horumarka Maamulka  Puntland balse ay diidantahay Ku tagri falka iyo burburinta hantida shacabka .

Dhinaca kale Wasiirka dekedaha Puntland siciid Maxamed Raage oo ka jawaabayey eedaynta xildhibaanada ayaa sheegay in aysan jirin wax guryo iyo hanti shacab ah oo la burburinayo balse markii hore qorshuhu ahaa ayse ka baaqsadeen markii shacabku diiday hormarka dalka oo ay qaylo kala horyimaadeen islamarkaana badda la dhisi doono halkaasna dekada loo balaarinayo wasiirku waxuu beeniyey in dowladu lacagta balaarinta dekadaha musuq masuqayso oo si kale loo isticmalayo isagoo tilmaamay in aan dowlada lacagta loo dhiibayn ee ay haynayso shirkada PDWorld .