Xaaf:-“Diyaaradaha La Joojiyay Fitno ayay Wadaan”

Madaxweynaha maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa difaacay tallaabadii ay toddobaadkii hore ku joojiyeen duulimaadyadii kaga imaanayay Magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaliya in a hub galisay  Magaaladda Cadaado,kuwaasi oo lagu qaaday diyaarado ka baxay magaaladda muqdisho.

“Diyaaradda waa midda hubka lagu soo guray, waa midda dadka lacagta wadoo laaluushka bixinaya, ee magaalada qaribaya lagu soo qaadayo, sidaa daraadeed ayaan u xirnay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug,wax dhib ah iyada kama jiraan, si nidaam oo caadiya ayaan u niri hanoo imaanina, maxaa yeelay fitno ayay wadaan, wixii fitno wadana waa laga hortaggaa.”

Madaxweyne Xaaf, ayaa Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay juhdi badani ku bixineyso, sidii ay u carqaladeen laheyd xasiloonida Galmudug, iyaguna ay ku khasbanaadeen inay ka hortaggan wax kasta oo amnigooda wax u dhimi kara.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf, ayaa Dowladda Federaalka ugu yeeray inay joojiso qalqalgelinta amniga deeganada Maamulka Galmudug, isagoona ku baaqay in wax kasta oo jira wada hadal lagu dhameeyo.