Waa Maxay Sababta Ciyaartooyda Kubbadda Cagta Ay Caruurta Yar Yar Ula Soo Galaan Garoonka Ka Hor Kulanka?

Inta badan waxa aynu aragnaa caruur yar yar oo gacanta ay ku dhaggan yihiin ciyaartooyda kubbadda cagta ka hor kulan kasta oo kamid ah ciyaaraha caalamiga ah.

Waa maxay ujeedka dhaqankaas aan inta badan fasiraaddiisa la isku dhibin? dhabtii haddii aan dib u eegno koobkii adduunka ee 1998-kii, iyo ciyaarihii ka horreeyay ba waxa inoo soo baxay in aysan kubbadda cagta hiddo iyo dhaqan u lahayn in caruur yar yar garoonka lala soo galo.

Xiriika kubbadda cagta dalka Ingiriiska ee FA-ga,  ayaa hinddisay aragtidan ah in caruur lala soo galo garoonka, kama dambeysta (Final) tartanka ugu cimriga dheer kubbadda cagta Ingiriiska ee FA Cup-ka, sannadkii 1999-kii, kaas oo u dhaxeeyay kooxaha Manchester United iyo naadiga Newcastle United ee isla dal-waynaha Ingiriiska kawada ciyaara.

Min hal qof (Cannug) ayeey gacanta kusoo dhageen dhammayaashii (Kabtannadii) labada kooxood, si loogu muujiyo caruurta in ay muhiim u yihiin bulshada inteeda kale.

sannadkii 2000 ayaa laga hirgaliyay tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League dhaqanka ah in caruur lala soo galo garoonka ka hor ciyaar walba; si lamid ah hey’adda xuquuqda caruurta u doodda ee UNICEF ayaa iyana ka dhaadhicisay FIFA in dhaqankaas lagu daro cayaaraha koobka adduunka ee xilligaas soo foodda lahaa, ugu dambeyn, dhacdadii bariga fog ee koobkii adduunka 2002-dii ayaa ahayd markii ugu horreysay ee koobka adduunka kulan ka tirsan ay caruur qaybta hore, xilliga garoon soo galka ay kasoo muuqdaan.

Waxaa xoogeystay ololihii Save The Children, taas oo keentay in UNICEF ay saameyn mugleh ku yeelato kubbadda cagta, waxaa sii hormaray qaababka ay ciyaartooyda gacanta uga soo qabsadaan caruurta, oo waxaa la gaarsiiyay heer xiddig walba uu gacanta kusoo dhago caruur yar oo loogu talla galay kulankaas.

Maqaayadda caanka ah ee McDonald ayaa ugu deeqday FIFA inkabadan 1,408 carruur, koobkii adduunka ee 2014-kii lagu qabtay dalka Brazil, kuwaas oo iskugu jiray carruurta garoonka lala soo galo, kuwa kubbadaha soo qabta iyo kuwa kale oo mahrajaanka iyo bandhigyada inta uu koobka socday ka qayb galayay, si loo dhiiro geliyo carruurta, ayna u dareemmaan halka ay ka taagan yihiin bulshadooda.

Meelaha qaar waxaa jira dhaqan ka duwan midka caadiga ah ee aynu naqaanno, maxaa yeelay horyaalka dalka Brazil, gaar ahaan kooxda Sao Paulo ayaa adduunka u muujisay dhaqan lala yaabo kulan katirsan horyaalka dalkaas, markii ay garoonka lasoo galeen Eeyo qoorta xarggo uga xiran yihiin, taas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Dogs Why Do Soccer Players Walk Out With Kids Kids Children Teams World Cup Fifa Unicef
                                        booskii ay caruur kala soo geli lahaayeen ayeey Eeyo ku baddaleen Kooxda Sao Paulo ee Brazil

Si kastaba ha ahaatee sababta ugu wayn ee caruurta loola soo galo garoonka kahor kulan walba waxa ay tahay dhiiro gelin iyo in loo muujiyo in ay yihiin cunsur muhiim ah oo bulshadaas kamid ah.

Cabdiwahaab Axmed Cali

C.wahaabyare@gmail.com

Muqdisho-Somalia