Natiijadda Baaritaanka Dadkii Lagu Dilay Xamar Weyne oo Maanta La Shaacinayo

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Somaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta laamaha ammaanka kula ballansan Xarunta Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho., si ay usoo bandhigaan Naatijaadda weerarkii dhawaan ka dhacay Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Booliska Dowladda Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu falkaas ka dambeeyay, kaasoo la sheegayo inuu ka mid ahaa ciidamada dowladda

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkan lagu haayo Xarunta Dambi baarista ee CID, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Saraakiisha Booliska iyo Wasiirka Amniga warbaahinta la hadlaan, si ay u faah faahiyaan dhacdadan.

Wasiirka amniga ayaa sheegay Khamiistii in loo baahan yahay warbixin dadka Somaliyed loo sheego oo la xiriira dadkii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay Magalada Muqdisho, gaar ahaan dilkii ka dhacay Degmada Xamar weyne .

Wasiirku waxaa uu sheegay in maalinta Axadda ah oo maanta ku beegan ay dad badan Xabsi gelayaan,kuwo xilka laga qaadayo ama isagaba uu xilkiisa weynayo haddii kalena ay laamaha amniga keenaan dadka ka dambeeya dilalka ka dhaca Muqdisho.

Gaariga lagu rasaaseeyay  Todobaadkii aynu soo dhaafnay  Degmada Xamar weyne ayaa waxaa laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, waxaana rasaasta lagu furay ku geeriyooday Canab C/llaahi Xaashi oo aheyd Xoghayaha Ururka iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha oo lagu magacaabayay Axmed Shariif Jaamac.