Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Hub iyo Maandooriye

Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Maanta Maandooriyayaal, hub iyo waxyaabo kale oo ay sheegeen in laga soo qabtay mid kamid ah degmooyinka gobolka Benaadir.

Sidoo kale raggii iibinayay ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo la sheegay in ay ahayd mid kamid ah hawl galladii ugu saameynta badnaa dhawaannahan ay ciidanka Booliska ka sameeyaan degmooyinka gobolka Benaadir.

Dhawr jeer oo horey ayeey sidan oo kale ciidanka Booliska hawl gallo ay sameeyeen ugu soo qab qabteen dad iibinayay hub sharci darro ah iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Xuquuqda Sawirka Mohamud Ali Haaji

22046678 1972995039651160 3253054964753899363 N
22046678 1972995039651160 3253054964753899363 N
22046678 1972995039651160 3253054964753899363 N
22046678 1972995039651160 3253054964753899363 N
22046851 1972995092984488 1014865133626682139 N
22046851 1972995092984488 1014865133626682139 N