Waa Kuma Qofka Hortaagan Xalka Galmudug? (Sir Daahsoon)

Xaaladda deegaannada Galmudug ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lasoo sheegayaa in magaalada Cadaado ay ka jirto xurguf colaadeed iyo ku kala aragti duwanaan siyaasadeed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo mudane Xaaf.

Xildhibaanno badan ayaa ka cararay magaalada, waxaana ay maciin bideen in ay u duulaan magaalooyin ay kamid yihiin Dhuusa Mareeb iyo Caabbud-Waad ee isla gobolka Galgaduud.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa ku eedeeyay Xaaf in kaligii talisnimo iyo in uu tunka u dhigtay wax walba oo ay lahaayeen dadka Galmudug, taas oo keentay in lagu kaco Xaaf.

Hanjabaad joogta ah, dil ugu goondin aan dhammaan iyo dhaqamo aan wanaagsaneyn oo uu lasoo shirtagay mudane Xaaf, ugu dambeyn waxa ay keentay in ay hoos u dhacdo qiimihii iyo qaayihii la hayay mudane Xaaf.

Xalka Galmudug ayaa kujira in la is afgarto sidoo kalena miiska wada hadalka lasoo wada fadhiisto, balse Xaaf dhammaan waxaas oo idil ma oggol, taas oo ka dhigan in xalka Galmudug uu isaga hor istaagan yahay sida ay sheegayaan qaar kamid ah dadka ugu xeel dheersan arrimaha maamulkaas.