Muxuu Ka Yiri Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere Dagaalkii Bariirre?

Afhayeenka ururka Alshabaab Cali Dheere ayaa muddo kaddib kasoo muuqday saxaafadda horteeda, waxaana uu si kulul uga hadlay arrinta weerarkii ka dhacay degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay ciidan badan ku dileen halkaas, isagoona farriin u diray ciidanka AMISOM iyo kuwa dawladda oo uu ku leeyahay wakhtigiiinii uu idlaaday.

Cali Dheere oo aan in muddo ahba kasoo muuqan saxaafadda horteeda ayaa wareysi siiyay idaacadda codka Alshabaab ku hadasha ee Andalus waxaana farriimihii uu diray ama hadalkiisa uu ahaa sidatan:-

“Weerakan wuxuu fariin u yahay cid kasta oo ku xadgudubta dadka Muslimiinta ah taas oo xambaarsan in ay lagama maarmaan tahay in maalin un laga aargudan doono oo dhigga Muslimiinta uusan noqon doonin xisaab la’aan iyo in cid walba oo taako u geysatay Muslimiinta, iyadana loo geysan doono laba taako” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Wuxuu fariin u yahay runtii nimanka gaalada ah iyo kuwa la socda, iyagana wuxuu u tilmaamayaa in aysan suurtoobi Karin in nin u dagalaamaya Mushaar oo xoogaa dhaqaalo ah u dagaalamya oo aad gadaal ka soo taabateen in uusan la dagaalami Karin nin u dagaalamaya caqiidadiisa iyo diintiisa”

“Hadaad wax kasta soo dhoodhoobtaan meeshaan un bey ku dambeyn doonaan, kuwa aad soo dhoodhoobteen ee aad Buula-Gaduud keenteen meesha ay ku dambeeyeen waad ogeydeen, kuwa aad halkan keentena meesha ay ku dambeeyeen waad garaneysaan, kuwii Axmaarada soo tababartay ee Balad-Xaawo iyo Ceelwaaq aad keenteene waad garaneysaan halkii ay ku dambeeyeen, Bi’idnillaah kuwa aad soo tababari doontaana halkaas ayey mari doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu Dambeyn inkabadan 10-qofood ayaa lagu dilay weerar shalay ka dhacay degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay saldhig kulahaayeen ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM.