Madaxwayne Farmaajo Oo Daah Furaya Maanta Saldhigga Turkiga Ee Muqdisho

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed FArmaajo ayaa maanta furi doona saldhigga ugu wayn Turkiga uu ku yeelano gobolka Geeska Afrika, kaddib markii uu dhammaaday qorshihii dhismaha saldhiggaas.

Wefdi kasocday wasaaradda gaashaandhigga Turkiga iyo saraakiil sar sare oo dalkaas u dhashay ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport, waxaana ay diyaar u yihiin ay ka qayb galaan munaasabadda xarigga looga jarayo saldhiggaas.

Saldhiggan oo ku yaalla wadada aada deegaanka Jaziira ayaa magaalada Muqdisho u jira illaa 3KM, waxaana uu yahay saldhig loo dhameystiray dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa, sida goobaha lagu tababaro askarta, guryaha saraakiisha iyo askarta, xafiisyo, garoon lagu ciyaaro iyo goobo kale.

Ammaanka goobaha u dhaw ayaa aad loo adkeeyay, waxaana saakay lagu arkayaa goobahaas ciidan aad u tiro badan oo ammaanka si ka duwan sidii hore u ilaalinaya.