24-Saac Kaddib Wasiirka Amniga Gudaha Ma Is Casilli Doonaa Mise Qorshe Kale Uu Ku Badbaado Ayuu Heli Doonaa?

Kaddib weerar bahalnimo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Talaadada ahayd, Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa ballan qabsaday in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaashii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday guddoomiyihii ururka Haweenka Soomaaliyeed Maamo Batuulo oo ay halkaas ku geeriyoodeen wiil ay dhashay iyo MAAMO Canab oo iyana kamid ahayd ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qabsaday Maalinta Axadda ah haddii lasoo qaban waayo dableydii ka dambeysay weerarkaas in uu xilka ka qaadayo saraakiil sar sare ama uu isaga baneenayo booska.

inkayar 24-saacadood ayaa ka dhimman wakhtigii uu qabsaday, taas oo cadaadiska ku badineysa wasiiirka; warar aan heleyno waxa ay sheegayaan in shirar gooni gooni ah ay leeyihiin saraakiisha ammaanka iyo wasiir Ducaale Isloow kaas oo doonaya in uusan xilkiisa si fudud ku waayin.

Hawl gallo dheeri ah ayaa kasocda degmada Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Wayne oo ahaa goobaha lagu tuhunsan yahay kooxaha geystay falka.