Akhriso:-Al-shabaab oo Soo Bandhigay Saraakiil ay Ku Dileen Dagaalkii Bariire

Al-shabaab ayaa shaacisay magacyadda saraakiil ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay Bariire.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qarxiyay Buundada Bariire oo ahayd tan qura ee la isaga goosho degaanadaasi , kdib markii ay Miino ku xireen.

MAGACYADA SARAAKIISHA ALSHABAAB SHEEGTAY INAY KU DISHAY WEERARKII BARIIRE WAXAA KA MIDA:

1- Mahad Dul-Dheer oo ahaa taliye Horin caan ka ahaa degaanka, oo ka tirsan.

2- Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii  ku sugneed Saldhigga degaankaBariire.

3- Cali Xasan oo ahaa Taliye Horin kana mid ahaa saraakiisha degaanka.

4- Faarax Yare oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka sida gaarka ah Mareykanka u tababaray.

5- Xuseen Maxamuud Caddaan oo ku magac dheeraa Afraxoow wuxuu ahaa sarkaal Balidoogle lagu tababaray