Askari Ka Tirsan CiidamadaDFS Oo Haweeney Ku Dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka qaabilsan qaadista Canshuuraha degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta gudaha Suuq Boocle waxa uu ku toogtay qof dumar ah.

Goob Joogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Askariga ay Xabad uga fakatay Haweeneydaasi, taas oo sababtay in ay geeriyooto.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Askariga falkaas geystay uu meesha wax ka dhaceen isaga baxsaday.

Ma jiro wax war ah oo saraakiisha Ammaanka degmada Dharkenley ay ka soo saareen falkaasi dilka ah.