Xaaf:-“Diyaaradaha Muqdisho Kasoo Duullo Ma Imaan Karaan Cadaado”

Xili xiisada siyasadeed ee ka tagan Magaalada Cadaado ay cirka isku sii shareereyso ayaa waxaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Xaaf waxa uu soo saaray war Qoraal ah oo uu ku mamnuucay in Diyaaradaha ka kicitima Magaalada Muqdisho aynan ka degi kari Cadaado ilaa iyo amar dambe.

Amarkaan lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Muqdisho ee ka degta Cadaado ayaa u muuqda mid sii hurinaayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug, Duulimaadyadii dadka rakaabka ee Muqdisho iyo Cadaado ayaa saameyn xoogan uu amarkan ku yeelanaaya.

Warkaan Qoraalka ah ee uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa dadka shacabka ee amarkaan saameynta uu ku yeeshey looogu baaqeyn in ay adkeystaan mudada la hakiyey Duulimaadyada Muqdisho iyo Cadaado.

Amur
Amur