“Waxa Ay Ku Dhalatay Hal Killi, Beerkana Waa Laga Baddalay XillI Hore” Sheeko Xanuun Badan Oo Kusaabsan Fanaannadda Caanka Ah Ee Aamino Dhool

Waxaan daawaday barnaamuj ay kasoo muuqdeen fanaaniin, jilaayaal iyo sidoo kale Filim-sameeyaal(Directors).

Ujeedka barnaamujkaan loosoo saaray Shaashada Universal TV ayaa ah in lasoo bandhigo xaalada Aamino Dhool oo xanuunsan.

Fanaaniintii hadashay iyagoo Ilmeeynayeen waxaaa kamid ahaa:-

Faarax Murtiile “Anaga haddaan ahaan lahayn fanaaniin dadkooda qadarin ka heeysta anaga ayaan caawin lahayn Amina Dhol, balse waxaan nahay fanaaniin aan dalkooda joogin , fadlan nala caawiya Aamina Dhool.

Feeynuus “Anagu fanaaniin ayaan nahay dal malihin , dad ma lihin , kolba meeel ayuu ku dhintay fanaan walba, Ummada soomaaliyeed waxaan maanta idin ka rabnaa inaad garbnasiisaan.

Faadumiina “Amina abaayooy balan waaye haddii lagu caawin waayo maanta inaan dib dambe masrax fuulidoonin.

Amaara “Soomaaliyeey waan idiin salaamay marka hore, maanta halkaan waxaaa nakeenay walaasheena oo caruur badan inoo heeysa , caruurtaas oo dhalay fanaan weeyn oo dhawaan geeriyooday Maxamed Axmed Kuluc , fadlan caawiya Amina Dhool.

Muunye “qof walba dadkiisa ayuu wax ku yahay fadlan walaasheena Amina dhool caawiya

Abuukar Mahdi “Aniga fanaan ma ihi, wax ma jilo , balse waxaa isoo kiciyey xaalada ay maanta ku sugan tahay Amino Dhool, sidoo kale keliya ma ahan fanaanka in la isticmaalo xilliga uu caafimaad qabo.

Inta Xanuunsan Allaha Caafiyo.

W/Q:- Maxamed Cabduqaadir Jamuuni