Muxuu Ka Yiri Madaxwaynaha Hirshabeelle Khilaafka Galmudug?

Madaxwaynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa aa si kulul uga hadlay arrinta khilaafka Galmudug ee dhawaan soo cusboonaaday.

Madaxwaynaha ayaa xusuusiyay siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaas in dhib badan laga maray dhisidda maamulkaas, ayna wakhti qaadaneyso haddii hadda markale la burburiyo.

Waare ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee maamulkaas ay ay ugu yaraan xal ku dhammeeyaan waxyaabaha yar yar ee ka dhex aloodsan labada dhinac.

Waare wuxuu sheegay uguna baaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo shacabka maamulkaas in ay iska kaashadaan dib u istaajinta iyo xasillinta maamulkaas oo dhawaan uun la yagleelay.