Kooxo Hubeysan Oo Goor dhow Dil ka geestay Magaalada Muqdisho?

Kooxo hubeysan ayaa Caawa Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya waxey ku dileen Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cali Xasan ayaa ku sugnaa goob timaha lagu jiro oo ku taalla Xaafada Macalin Nuur xiliga uu dhacayay Dilka, sida uu sheegay Goobjooge.

Waxaa uu xaqiijiyay Warbaahinta in dableydii ka dambeysay dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii gacanta lagu soo dhigay raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi ka dhacay Degmada Dharkeenleey.

Wax war ah kama aysan soo saarin Maamulka Degmada Dharkeenleey Dilkaasi  loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.