DEG DEG:- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Oo Isku Day Dil Ah Ka Badbaadday Iyo Wiilkeeda Oo Geeriyooday

Warar hadda naga soo gaaraya degmada Xamar Wayne ee gobolka Banaadir waxa ay sheegayaan in kooxa hubeysan ay rasaaseeyeen gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano Surf-ka oo marayay waddada dheer ee Via Roma.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa saarnaa dhawr qofood, goob joogayaal ayaa sheegay in ay geeriyoodeen laba qofood oo gaariga saarnaa.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in gaariga la rasaaseeyay ay saarneyd guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwa Batuulo Axmed Gabballe, taas oo sida hadda ay sheegayaan wararku ay weerarkaas ka badbaadday.

Wiil ay dhashay Batuulo ayaa ku geeriyooday weerarkaas, halka sidoo kale maamo Canab C/llaahi Xaashi oo kamid ahayd ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo iyana gaariga saarneyd ay sidoo kale ku geeriyootay goobtaas.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka ammaanka ayaa durba goobta soo gaaray waxaana ay bilaabeen in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan gaariga goobta lagu rasaaseeyay.

Kooxda weerarka geysatay oo aan heybtooda la garanayn awgeed, goobta ayeey ka baxsadeen, iyagoo isticmaalaya gaari ay markii horeba wateen xilligii ay falka fulinayeen.