Fiirso Muuqaal Dhammeystiran; Xildhibaannada Galmudug Oo Xilka Ka Qaadaya Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

Dad badan oo kamid ah taageerayaasha hoggaamiyihii Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa baraha bulshada la wareegayay sheeko sheegaysay in xildhibaannada xilka ka qaaday ay ahaayeen kuwa aan kooramkoodu buuxin, islamarkaana sharci ahaan aysan jirin wixii ay sameeyeen xildhibaannada maamulkaas.

Si aan middaas u daba galno waxaan raadinay muuqaallo quseeya goobtii ay ka dhacday xilka qaadista Xaaf, waxaana muuqaalka hoose uu yahay xildhibaanno kor u dhaafaya 55- oo kusugan hal goob kuwaas oo si gacan taag ah ugu codeeyay madaxwayne Xaaf.
Haddaba Daawo Muuqaalkaas oo dhammeystiran si shakiga iyo tuhunka uu kaaga baxo.