Shaqaaqad Xooggan Oo AMISOM Iyo Shacab U Dhaxeysa Oo Muqdisho Ka Dhacday

Warar laga helayo magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in shaqaaqad xooggan ay dhex martay ciidanka AMISOM iyo dad careysan oo kusugnaa inta u dhaxeysa isgooyska KM4 iyo Banaadir.

Shaqaaqadda ayaa bilaabatay kaddib markii uu mid kamid ah gaadiidka AMISOM uu jiiray gaari shacab leeyahay oo yaalay agagaarka isgooyska KM4, kaddib gaarigii AMISOM ayaa isku dayay in uu goobta ka baxsado, taas oo keentay in ay isku dayaan ciidanka Booliska ee joogay agagaarkaas, waxaana ay keentay isku dhac labada dhinac ah.

Isgooyska KM4 ayaa xabbad looga bilaabay ciidankii AMISOM ee gaariga qofka shacabka lahaa dar daray, taas oo keentay laftigeeda in ay seed qalddan kusocdaan, ilaa ay ka gaaraan isgoska Banaadir.

Markii ay isgooyska Banaadir gaareen oo ay xabbaddana kusocoto, askarigii AMISOM ee gaariga waday ayaa dar darsiiyay nin maskiin ah oo Damiir qoryo ku watay, kaas oo waddada dhinaceeda kusugnaa.

Kareetadii Dameerka ayaa kala jabtay, ninkii ayaa dhaawacmay, sidoo kale dameerkii ayaa waxyeeloobay, taas oo ka careysiisay dadkii goobta ka ag dhawaa.

Durba goobta ayuu ka baxsaday gaarigii AMISOM ee falka geystay, balse dadkii goobta ku sugnaa ayaa qaatay go’aan ah in ay xireen waddada, ilaa uu ka imaanayo guddoomiyaha degmada Hodan ama midka gobolka BAnaadir, iyagoo sheegay in ay dacwo buuxda ka yihiin AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Falalka noocan ah ee AMISOM ay ka dambeyso ayaa ahaa mid soo noq noqday, waxaana aan jirin cid wax ka qabatay, marka laga reebo guddoonka gobolka oo dhawr jeer oo horey afka uun ka cambaareeyay.