Saddex Waxyaabood Oo Uu Ku Muteystay Xaaf In Uu Xilkiisa Waayo (Xog Muhiim Ah)

Aqlabbiyadda baarlamaanka Galmudug ayaa xilka ka qaaday madaxwayne Xaaf kaas oo ku dhacay in uu guto waajibkiisii dastuuriga ahaa.

Xaaf oo la doortay uun bishii shanaad ee sannadkan ayaa ku fashilmay in uu meel wanaagsan u jiheeyo maamulkaas, taas oo keentay in xildhibaannada maamulkaas ay go’aansadaan in ay aayahooda ka tashadaan.

Haddaba waxa an idin soo gudbin doonaa saddex waxyaabood oo uu ku fashilmay Xaaf uguna qalmo in xilka laga qaado.

  • La Shaqeynta dawladda Dhexe:- dhabtii waxa ay ahayd wax mudan in lagu tixgeliyo mas’uul sidiisa oo kale marka la shaqeeyo dawladdiisa dhexe, maadaam aay iyada mas’uul katahay, hasa yeeshee Xaaf middaas waa uu ku fashilmay oo kuma guuleysan, xitaa waxaa dhacday in uu ka kor booday dawladda federaalka.

  • Ballanqaadyadiisii Fashilmay:- waxaa jirtay in uu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono ammaanka, isku xirka maamulka Cadaado iyo midda Dhuusamareeb iyo sidoo kale kawada shaqeynta dannaha guud ee maamulkaas hase yeeshee dhammaan waa uu ku guuldarreystay xaaf, waana sababtay ay xaq ugu leeyihiin xildhibaannada maamulkaas in ay aayahooda ka tashadaan islamarkaana ay xilka ka qaadaan mudane Xaaf.

  • In Uu Galay Qalad Dastuuri ah:- wuxuu sameeyay fal laga yaqyaqsoodo, marka la fiiriyo sidii uu u dhaqmay markii uu kusugnaa Dubia halkaas oo uu u aaday in uu heshiis lasoo galo Isku tagga Imaaraadka Carabta xilli uusan xaq u lahayn isaga.

Marka la isku soo daro qodobbadaas iyo kuwa kale Xaaf xaq ayaa loo leeyahay in la iska hor qaado sida ay sheegayaan xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda fallanqeeya.