Galmudug oo beenisay in ay xiriirka u jartay D.Federaalka Wareegto?

Warqad ka soo baxday madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa lagu beeniyay warqad kale oo saaka baraha bulshada dhex socotay taas oo sheegeysay in maamulka Galmudug uu xiriirka u jaray dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warqadda dambe ee beeninta ah oo uu ku saxiixan yahay agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa lagu beeniyay in ay jirto ama sax tahay warqaddaas,waxaana uu intaas ku daray in ay baaritaan ku hayaan cidda warqaddaas qortay.

Beenin