FAAFAAHIN:- Warar Dheeri Ah Oo Kasoo Kordhay Xilka Qaadistii Madaxwayne Xaaf

Rasmi ahaan warar hadda naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxa ay sheegayaan in xildhibaanno katirsan maamulkaas ay xilka ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka maamulkaas iyo madaxwayne Xaaf.

Qaar kamid ah dadka kusugan Cadaado waxa ay sheegayaan in 50-xildhibaan ay goobta joogeen, kaddibna ay xilka ka qaadeen, halka qaar kale ay sheegayaan in kudhawaad 20-xildhibaan ay ahaayeen kuwa ku dhawaaqay xilka qaadista lagu sameeyay Xaaf.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka Xaaf, kaas dhawaan ay isku dhaceen madaxwaynaha maamulka Federaalka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa hadda kasoo dhacaya Cadaado waxaana aad ka heli kartaan Shaaciye,com ilaa laga gaaro wakhtiga ugu dambeya.