DEG DEG:- Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Xilka Ka Qaaday Madaxwayne Xaaf Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas

Qaar kamid ah xildhibaannada maamulka Galmudug ayaa hadda ku shirsan mid kamid ah Hotellada ugu caansan magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan xilka laga qaadayo madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kaas oo dhawaan ay is qabteen maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya.

55- xildhibaan ayaa soo xaadirtay shirkaan deg deggga ah ee ay yeesheen xildhibaannada maamulka Galmudug, waxaana warar kala duwan oo hadda soo dhacaya ay sheegayaan in horaanba xilka laga qaaday, balse la iskuma haleyn karo wararka noocaas ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xilka laga qaaday, waxaana ay doorteen ku simme cusub, kaas oo ilaa in muddo ah xilkaas heyn doona.

Wixii warar ah oo kusaabsan halkan kala soco.