Akhriso Saddex Waxyaabood Oo Kasoo Baxay Shirkii Odayaasha Habar Gidir Ay Ku Yeesheen Muqdisho

Odayasha Beesha Habar ayaa maanta shir wayne ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ay kaga hadleen arrinta qasan ee ku aaddan maamulka Galmudug.

Waxbadan ayeey ka hadleen sidii waara loo dhex dhigi lahaa dawladda dhexe iyo maamulka Xaaf oo todobaadkan ay xurguf dhex martay.

Gaba gabada shirka, odayaasha ayaa soo saaray war murtiyadeed nuxurkiisu ku kooban yahay saddex qodod kuwaas oo kala ah:-

1) Inaan la dumin Maamulka Galmudug oo  la ogaa dhibaatada laga soo maray dhisitaankiisa.

2) in xiisadda taagan lagu xaliyo qaab wadahadal iyo nabadgalyo  ah

3) in dowladda Soomaaliya ay u dirto wafdi dhex dhexaadin ah oo xiisada kusoo dhameeyo si dhex dhexaad.