Xildhibaan Caana oo Ka Digay Dhibaato Weyn Oo Ka Soo Fool Leh Maamul Goboleedyada Dalka?

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay in Go’aanka haatan ay Maamul Goboleedyadu ku baal mareen Mowqifkii dowladda Dhexe wax ka daran laga filan karo Maamul Goboleedyada haddii aan haatan la xadeyn oo sharci adag ee qabanaya aan looga sii baaraan dagin.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo Tusaaleynayay Khataraha laga filan karo Maamul Goboleedyada ayaa sheegay in ay u Midoobi karaan in danahooda ay ku qasbaan dowladda dhexe , Maadaama dhammaan Maamul Goboleedyada xubno laga soo doortay ay ku jiraan Golaha Shacabka , islamarkaana ay awood u yeelan doonaan in Madaxda dowladda cidda ay doonaan ay bedeli karaan , cidda ay doonaana ay keensan karaan.

Mar uu ka hadlayay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa sida ay uga tallaabsan karto dowladda Federaalka Soomaaliya caqabada ka soo food saartay Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee Xiriirka u jaray Qatar ayuu tilmaamay in dowladdu ay cabasho u gudbis Ururka Jaamacadda Carabta ama si toos ah ay kala fariisato Wadamada arrintaan ku lugta leh sida Isutagga Imaaraatka Carabta oo haatan uu sheegay in wada shaqeyn ay kala dhexeyso dowladda Somalia maadaama ay Ciidamo u taba baraan isagoo cod dheer ku sheegay in sharci dhigaayo aanu jirin dowlad in arrimaheeda lagu fara galiyo.

Ugu dambeyn  Caqabadda ugu weyn ee keenaya Isbar baar yaaca Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada ama dowladda Dhexe dhexdeeda ayuu daboolka ka qaaday in aysan jirin tix gelin ku aadan in qofka loo qaato booska uu ka haboon yahay , xittaa aan wax talo ah laga weydiin, taas oo uu sheegay in ay sababtay in dad wax aysan aqoon u lahayn inta loo dhiibay hadana ay shuruucdii dalka isaga tumanayaan.