Waa Tuma Fanaannaddii Ugu Dambeysay Ee Kusoo Biirtay Boobka Heesaha Ay Fanaanniinta Kale Ay Leeyihiin?

Waxaa masraxa fanka Soomaaliyeed kusoo badanayay boobka lagu hayoo heesaha ay ashkhaasta kale leeyihiin,maadaama aysan jirin sharci kala xakameynayo ama u kala sees sameynaya.

Fanaantiinta qaar ayaa ku dhiirrada in ay qaadaan heeso ay lahaayeen fanaaniin hore, waxaana middaas ay keentay in dad badan ay iska dhaafeen dhageysashada heesa dambe, maadaama mid kasta uu wato hees uu soo dhacay, ama uu qof hore kasoo miinguuriyay.
Haddaba Xamda Yar ayaa noqotay fanaannaddii ugu dambeysay ee kusoo biirtay ololaha boobka heesaha, waxaana middaas ay keentay in la arko fanaanniintii asalka iska lahayd heesta.
Haddaba yaan hadal kugu daalinine daawo Heestan ay soo dardartay fanaannadda.