Maxaa Looga Kala Cararay Isgoyska KM4 Muqdisho?

Wararka hadda naga soo gaaraya isgooyska KM4 Muqdisho waxa ay sheegayaan in gaari looga shakiyay walxaha qarxa uu hadda yaallo agagaarka aargada.

Ciidanka Booliska iyo saraakiil kasocota Mine Action ayaa goobta durba tagay, waxaana la xannibay isku socodka gaadiidka iyo dadka eeriyadaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga uu ahaa nooca raaxada, ciidanka ilaallinta waddooyinka ee Trafikada ayaa durba ka war helay gaariga, oo la waayay ciddii wadatay, kaddib waxaa lagu qasbay dhammaan dadkii goobta kusugnaa in ay ka fogaadaan, si ay uga badbaadaan haddii uu qarxo gaarigaas.

Xalay ayeey ahayd markii qaybo kamid ah degmada Waaberi laga shakiyay gaari walxaha qarxa in lagu soo xiray lagu tuhmayay, isla agagaarka degmada Waaberi oo isgooyska KM4 uu ku yaallo ayaa gaarigan lasoo dhigay xilli ay xusid mudan tahay in saddex dii qarax ee ugu dambeysa Muqdisho ka dhacday ay ahaayeen laba kamid ah kuwa degmadaas ka dhacay.

WIxii warar ah kala soco Halkan