Maxaa Kala Socotaa Khilaafka Alshabaab Iyo Ajaanniibta Kooxdaas La Barbar Dagaalanta Ka Dhex Alloodsan? (sir Culus)

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahineysa in khilaaf kii ugu xoog badnaa uu soo dhex galay Alshabaab iyo Ajaanibta ka barbar dagaalanta kaddib markii ay fikir ahaan isku khilaafeen.

Muhaajiriin badan ayaa dalalkooda uga yimid sidii ugu dagaalami lahaayeen kooxda Alshabaab ee Jihaad beenaadka ka wadda dhanka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa gaaray heer qaar kamid ah Ajaanibtaas la khaarijiyo muddo yar gudahooda, waxaana ay bilaabeen firxad iyo kala baqasho, maadaama horey sidan oo kale khilaaf dhex maray madaxda ugu sareysa kooxda ay keentay in ajaaniib badan ay ku baxaan.

Lama oga magacyada shakhsiyaadka ku lugyeeshay khilaafkan balse waxaa lagu soo koobay in ay yihiin madaxda ugu sareysa kooxdaas iyo ajaaniibta oo laftigooda magacyadooda aan saxaafadda loo adeegsan, balse dawladda Kenya waxa ay xaqiijisay in saddex muwaaddin oo dalkeeda ah ay kujiraan ajaanniibta ay Alshabaab isku dhaceen.