Madaxweyne Xaaf oo Baajiyay Kulan ay Yeelan Lahaayeen Xildhibaanada Galmudug

Wararka ka imaanaya Magalaada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu is hor istaag ku sameeyay kulan  ay maanta mar kale yeelan lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka oo maalintii saddexaad u baaqday diidmada madaxweyne Xaaf ayaa hore waxaa u hor istaagay ciidamo ka amar qaata, halka markii uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado uu laf ahaantiisa amar ku bixiyay inaysan xildhibaannada wax kulan ah yeelan karin ilaa Amar dambe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Xildhibaannada Galmudug ayaa dadaal ugu jiray inay kulmaan si ay ugahadlaan arrimo hor yaalla iyo khilaafka ka taagan madaxda sare ee maamulka.

Madaxweyne Xaaf ayaa amar ku bixiyay shalay in Xarunta Baarlamaanka ay xirnaato, isla markaana aanay shir ah yeelan karin xildhibaannada Galmudug.