Kaddib Madaxwayne Xaaf; Maxaad Kala Socotaa Liiska Magacyada Madaxda Iyo Siyaasiyiinta Caanka Ah Ee Qayila? (Sheeko Xasaasi Ah)

Saddaxda eray ee ugu adeegsiga badneyd shalay iyo maanta waxay ahaayeen kuwan; qaraab, Xaaf iyo qaadwale.

Haddaba, maxaa dhaliyey ama kenya adeegsigooda? Ka sokow, maxay ka la yihiin adeegsi ka hor?.

XAAF: waa naynaasta Axmad Ducaale Geelle, madaxweynaha Galmudug, horena u ahaa xildhibaan qaran in ka badan gu’.

QARAAB; waa eray uu adeegsaday mar waraysi uu siinayey VOA ku aaddanaa go’aanka ay Galmudug ka qaadatay xiriirka Sucuudiga iyo Imaaraadka, isaga oo yiri waan soo qaraab doonannay!

Qaraab waa eray muujinaya, doonasho quud, nolol maalmeed iyo gunno raadsasho. Badlayda waxaa loo adeegsadaa JALLAABASHO. Si la mid ah, dabata ugaarta, ayaa waxaa loo adeegsadaa GANATO.

In kasta oo uusan ahayn eray siyaasad iyo sedka la is ku hayo ku habboonayn, haddana, dareen saafinnimadiisu waxay bannaanka soo dhigtay wax badan, oo kuwa uga dareen dilan ay qariyeen.

Qaraabashadu waa midda Formaajo ku riixday, in QAARAAN, oo aan siyaasad iyo sedbursigeed shuqul ku lahayn ku adeegtay. Weli ma maqashay QAARAAN QARAN? Lacaga ma ku bixisay? Maanta maxaad dareen ka haysaa lacagtaa aragti ama adeeg qabiil waa halkiisee?.

Aniga sida ay i la tahay, go’aankan iyo habka loo qaatayba waxaa sababay maamulxumada Formaajo iyo Khayrre, oo haddii ay garasho siyaasadeed iyo sirteed yaqaannaan ku dedaali lahaa sidii maamulka Galmudug uu u taageeri lahaa dawladda.

Ayaandarro, sida marar badan dhacday, Formaajo iyo Khayrre iyaga ayaa is boqna jara, oo markii uu go’aanka qaatay ka dib, ayey madaxda is mahdisay, ee dooddoodu tahay: ama waan ku dumin ama ii dabadhilifee, lacagtii ay Xaaf ku xaraarujiyeen, u soo fasaxay Gacal iyo Carrabeey, oo ka la ah guddoomiye Baarlamaan iyo MW ku xigeen Galmudug, oo lagu amray, in ay ka daba hadlaan Xaaf, go’aankiisana dood geliyaan.

QAADWALE: Ka dib markii Xaaf uu qaatay go’aanka ah, in markii lagu ciriiriyey qaraabkii uga iman jiray dawladda dhexe, in uu qaraab kale u raadsado meelo kale, ayaa waxaa bannaanka timid, in lagu ceebeeyo Xaaf waa QAADWALE!

Ba’aa, oo goorma ayey QAADWALE ceeb noqotay? QAADWALE saw ma ahan qof shaqo leh, weliba shaqo abuuray? QAADWALE saw ma ahan ganacsade leh hanti, una taagan, in uu abuuro il dhaqaale? QAADWALE saw ma ahan qof dabbaray qaraabka qoyskiisa iyo nolol maalmeedkooda?.

Ka muhimsane, haddii QAADWALE jiro, saw ma ogidiin, in uu jiro QAADCUNE? Haddii QAADWALE ceeb yahay, fadlan QAADCUNE ha lagu daro.

Haddii Xaaf QAADWALE yahay, keena qaadka oo dabcan u ah mihnad iyo shaqo uuna cuno, waxaa jira QAADCUNEYAAL sida Formaajo iyo madax kale, oo iyagu qarash keliya ku bixiya, ee aan ka soo gelin wax aan ka ahayn wixii uu ku sheegay laashinkii weynaa iyo abwaankii murtida Abshir Nuur Faarax Bacadle Eebbe ha u raxmadee.

“Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh

Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh

Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh

Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh”

Marka Xaaf haddii qaraabxumo gashay, waxaa qaabkeeda dhaliyey Formaajo iyo Khayrre, ee qiil kale ha u raadinnina, balse, qaadwalenimo waa shaqee, dadka aan shaqada haysan shaqo ha abuurtaan, intii ay dad shaqo abuurtay ku ceebayn lahaayeen shaqadooda.

Liiska Madaxda Qaraabta miisana Qiyala:

Inta kuma soo koobi karno madaxda dowladda ee Qayila, Sababtoo ah wayba yar tahay 30% xataa ma dhamo madaxda aan qayilin ee dowlad kasta kasoo muuqdo.

Kaliya dowladda Farmaajo maahan, inta badan madaxdii hore ee dalka soo maray iyo kuwa hadda joogo shaqadooda waxay ku xiran tahay inay qayilaan ,sidoo kalana lix saac wixii ka dambeeyo ayuu caqligooda imaadaa sida uu jaadka u sheego.

Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbinayaa qaar yar oo ka tirsan kuwa Qayila oo weliba ah tusaale, hana ka xumaan inaad kasoo dhex muuqato liiska aan soo saaray, sababtoo ah waxaad ka mid tahay kuwa Qayila haddii ay ceeb tahna ceebtaa qeyb ka leedahay haddii in la qayilo ama la iibiyo ay tahay wax la isku cambaareeyana qeybaa ka tahay, haddii la isku amaanana qeybaa ka tahay, haddii loo baahdana waxaan anigoo ah qoraaga warbixintaan awoodaa inaan soo qoro liiska oo dhan oo isugu jiro Madaxda, Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Ciidamada iyo Saraakiil waaweyn, balse ujeedkeyga maahan inaan hadda liiskaas dhan qoro balse waxaan ugu talagalay inaan runtu ugu sheego wiilasha yar yar ee baraha Bulshada ku caadeystay inay dadka ku aflagaadeeyaan.

1) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

2) Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow

3)  Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Khadiijo

4) Abaanduulaha Ciidamada Canood

5) Taliyaha Ciidamada Booliska Saacid

6) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka General Ciriif

6) Wasiirka Amniga Islow

Midda aan la yaabay ayaa aheyd markii Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Beyle uu Xildhibaanada hortooda ka yiri maalin dhaweyd markii la ansixinayey miisaaniyadda dowladda inay madaxda iyo shaqaalaha dowladda waayeen waxay qaadka xataa ku iibsadaan ninkii dhageystay ayaa og.

Haddiiba Xaaf lagu eedeeyey inuu yahay Qaadwale, qaadka ka gaancsado, soo kama sii darno kuwa cuno, mise kula tahay haddii la joojiyo ka ganacsiga Qaadka inay madaxda dowladda shaqo qaban karaan, maadaama dhiiggoodaba uu ku shaqeeyo geedkaan sheydaanka ah.

Sheekada waxay hadda mareysaa war ceebeynta hala iska dhaafo ama iibka iyo cunista halawada joojiyo, ma soconeyso sheekada  ah  in la cuno haddana la cambaareeyo dadkii jaadka u keenayey.

Waxaad arkeysaa nin isagaba aan habeen iyo maalin ka kicin cunista jaadka oo haddana dhahayo hebelaa wax faa’ido ah malahan jaadka uu soo dajiyaa, ee haddii uusan kuu  shaqeyn, goormee miir yeelaneysaa ileen geedkaan Sheydaanka ah ayaadba dad ku tahaye oo xilka ku heysaa.

Marka Ilmaha yar yar ee aan fahansaneyn siyaasadda isla markaasna aaminsan in qof la caayo  siyaasadda furo u tahayn sheekada sidaas way ka duwan tahay ee waxaa loo baahan yahay in siyaasadda Jaamacado loo galo.

W/D: Abdirizak Nuuradiin Cawaale

Email: abdrizak1111@gmail.com

F:G:- Kama Tarjumeyso Faalladan aragtida shabakadda Shaaciye.com; keliya waxa ay ku kooban tahay qoraha maqaalka.