Dilal iyo qaraxyo Xalay Muqdisho siyaaba kala duwan ugu dhacay iyo Amnigii oo Faraha ka Baxay?

Waxaa xalay siyaabo kala duwan dilal qorsheysan iyo qaraxyo loo adeegsaday Bom Gacmeedyo ay uga dhaceen xaafado ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Janaraal Cabdulle Maxamed Sheekh Qururux oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Saadka ee ciidamada Xoogga, Isaga iyo Askari ilaalo u ahaa, xilli ay ku sugnaayeen Nawaaxiga xarunta Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana lagu soo warramayaa in kooxihii ka danbeeyay dilka sarkaalkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa xalay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Rag hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku sugnaa xaafada Siigaale ee degmadaasi Hodan.

Waxaana la sheegay in Rag ku hubeysan Bastooladu ay askarigaasi Toogteen, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Dhinaca kale wararka laga helayo Isgooska Fakax ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Bom Gacmeen lagu weeraray gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoo eysan jirin faah faahin ah ay ka bixiyeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii danbe ayaa waxaa soo badanayay falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo eysan jirin cid loo soo qabtay dhibaatooyinkaasi xumo.