Axmed Madoobe Oo Amray In La Musaafuriyo Taliyaha Ciidamada Ee Degmada Luuq?

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  “Madoobe” ayaa amar ku bixiyay in Gebi ahaan Gobollada Jubbooyinka  iyo Gedo Laga masaafuriyo Taliyaha Saldhiga Degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku eedeeyay Sarkaalkaasi in uu gacan saar la leeyahay Xarakada Al Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in Qarax dhawaan duleedka degmada Luuq lagula eegtay Wasiirka Amniga Jubbaland uu wax ka ogaa Taliyaha Saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil, islamarkaana dhowr jeer uu gacan ka geystay weeraro laga fuliyay degmadaasi Luuq.

Sidaas daraadeed ayuu Axmed Madoobe shaaca ka qaaday in Xilka Taliyaha Saldhiga degmada luuq aan lagu aamini Karin Diyaad Cabdi Kaliil.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ee ku heybta ah Taliye Diyaad Cabdi Kaliil ayaa ka codsaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland in uu shaqadiisa ku soo celiyo, islamarkaana uu ka noqdo go’aanka lagu Masaafurinayo.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo eedeymaha nuucaani ah loo jeediyo Diyaad Cabdi Kaiil , waxaana dhowr jeer oo hore xittaa loo xiray eedeymo nuucaani ah

Ma jiro wax war ah oo Taliye Diyaad Cabdi Kaliil uu ka soo saaray go’aanka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.