Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan magacaabo in ka badan 14-Safiir, islamarkaana xilka safiirnimo laga qaado 14 safiiir.
Sida aan xogta aan ku helnay Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa u yeertay Sideed Safiir kuwaasi oo lagu wado in xilalka laga qaado islamarkaana boosaskooda loo magacaabo xubno kale.
Isbedelkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha soo socda lana hor geeyo golaha wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaliya.
Xubno cusub ayaa loo badinayaa in ay noqon dooonaan Safiiro:-
- Maxamed Cabdiraxman Faroole. Safiirka Soomaaliya ee Kenya
- Adam Shirwac Jamac. Safiirka Soomaaliya ee Qatar
- Guleed Xuseen Qaasim. Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta
- Cabdiraxman Cabdishakur Warsame. Safiirka Soomaaliya ee Uganda
Safiiradda lagu Amray in ay soo laabtaan
- Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim China
- Danjire C/Raxmaan Cabdi Xuseen Jabuuti
- Danjire C/Qaadir Sheekheey Maxamed Abu-Dhabai
- Danjire C/Qaadir Sh.Amiin Abuukar Kuwait
- DanjireCumar Sheekh Cali Idiris Qadar
- Danjire Maxamed Cabdi Ugaas Suudaan
- Danjire Sayid Axmed Sh.Daahir Uganda
- Danjire Maxamed Xasan Zambia.