Xaalad Ceenkee Ah Bay Kujirtaa Degmada Waaberi Caawa? (Sheeko Xasaasi Ah)

Warar inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxa ay sheegayaan in ciidamo aan horey loogu baran ay soo buux dhaafiyeen degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen kaddib salaaddii Cisho ciidan xad dhaaf ah oo soo buuxiyay inta u dhaxeysa isgoyska dabka illaa buundada Ansaloote ee degmadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya ciidankaas ay fashiliyeen qarax la sheegay in uu yaalay agagaarka buundada, kaddibna ciidan badan goobta lagu soo kordhiyay.

Ciidanka ammaanka lagu daray kuwa degmada ayaa si buuxda ula wareegay dhammaan agagaarka goobta lagu tuhmay qarax, oo loo maleeyo in uu yahay kuwa waddada dhinaceeda lagu aaso.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala sooo socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.