Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Garasbaaley ee Gobalka Banaadir?

Wararka laga helayo degmada Garasbaaley ee  Gobalka Banaadir ayaa Sheegaya in saakay uu ka dhacay shil khasaaro geystay, kadib markii ay isku dhaceen gaari Bl ah iyo gaari Dameer marayay wadada degmadaasi.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday shilkaasi, iyadoo ay ku dhaawacmen 2 kale, sida uu xaqiijiyay maamulka degmada Garasbaaley.

Guddoomiyaha degmaadaasi C/raxmaan Axmed Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen , waxaana uu sheegay in halkaasi 1 qof uu ku geeriyooday, islamarkaana ay gurmad u fidiyeen dadka ay waxyeelada ka soo gaartay shilkaasi.

Shilalka gaari ee ka dhaca wadadan oo isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa loo sababeeyaa Darawalada oo inta badan si xawli ah ku kaxeeya Gaadiidka, iyo bur bur xoogan oo ka muuqda wadaadaasi oo aan in muddo ah helin wax dayactir ah.