(SAWIRRO) Webiga Shabeelle Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Fataho Xaafadaha Magaalada Jowhar

Muddo kaddib dadka ku dhaqan xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar waxa ay dareemayaan cabsi badan oo ku aaddan dhanka webiga shabeelle kaas oo laga baqayo in uu fatahaado sameeyo.

Webiga oo dhawaannahan la la’aa ayaa dib usoo buuxsamay, waxaana ay taas oo keentay in uu booskiisa soo yara dhaafo ama uu soo durqo.

Xaafada kulmis oo ka mid ah afarta xaafadood ee magaalada Jowhar ayey ka jirtaa cabsida ugu badan waxaana dadka ku dhaqan xaafadaas ay sheegeen in cabsi xoog leh ay ka qabaan in uu wabiga ku soo fataho.

“Wuxuu joogaa meel sare oo uu biyaha ku daadin karo xaafadaha ku hareereysan, Alxamdullilah marka hore waan ku faraxsannahay oo illaahay ayaa mahaddaas iska leh, maadaama dhawr bilood kahor uu gursanaa, hasa yeeshee waxaa loo baahan yahay in si taxaddir leh oo wajaho fatahaadahaas, haddii kale waxaa ka imaan kara dhibaatooyin aad u adag” ayuu u sheegay warbaahinta mid kamid ah dadka deegaanka.

Haddaba FIirso Sawirrada Webiga Shabeelle

Img 0282

Img 0286

Img 0292

Img 0295

Img 0202