Roberto Mugambe Oo Weeraray Donald Trump Iyo Fiirso Qubbadiisa Uu Todobaadkan Ka Jeediyay Golaha Ammaanka QM

Dhawaan waxaa New York ka furmay shirkii 72-aad ee golaha amaanka qaramada midoobay, waxaana kasoo qayb galay dhammaan waddamada adduunka, oo mas’uuliyiin soo wada dirsaday.

SOomaaliya sida aan la wada socono waxaa u hadlay oo kasocday ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyrre kaas oo khudbad yara qurux badan kasoo jeediyay halkaas.
Balse masu’uuliyiinta ugu magac dheer ee ka hadlay waxaa kamid ah hoggaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Mareykan ka madaxwaynahooda Donald Trump, hoggaamiyaha Iiraan Ruhani, iyo mas’uuliyiin kale oo caan ah.
Shakhsiyaadka Afrika ee hadlay waxaa ugu saameyn badan hoggaamiyaha ugu da’da wayn adduunka maantadan la joogo, mudane Roberto Mugambe kaas oo ku dhawaad 100-sano jira.
MUgambe oo hadal adeyg maad hadal lagu ogaa ayaa kamid ah masuuliyiintii hadlay intii lagu jiray kalfadhigii 72-aad ee golaha amaanka QM.
Mugambe ayaa weeraray Donald Trump, kaas oo markii ugu horreysay noloshiisa kasoo muuqanaya shirka golaha amaanka Qaramada Midoobay, sidoo kale dhinacyo badan ayeey taabaneysay oraahyda uu goobta ka jeediyay; hasa yeeshee yaan hadal ugu daalininee ila daawo muuqaalka khudbaddii Roberto Mugambe uu ka jeediyay shirka golaha amaanka Qaramada Midoobay ee maalinkii Khamiista New York ka furmay.