Mid Kamid Ah Magaalooyinka Ugu Caansan Ee Ay Soomaalidu Dagto Oo Muddo Bil Ah Wax Koronta Aysan Ka Jirin (Sababta)

Magaalada Wajeer ee Wuqooyi Bari dalka Kenya ayaa laga soo sheegayaa koronto la’aan baahsan oo muddo bil ah socota.

Dadka deegaanka iyo isbitaallada deegaankaas ayaa aad ula il daran dhibaatadaas kaga dhacday dhanka Korontada, maadaama bishii lasoo dhaafay oo idil aysan wax koronto aan la siinin magaaladaas.

Amin Bishar oo ah Madaxa ugu Sareeya Shirkada Korontada ee Kenya power Faracooda Magalada Wajer, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay noolyihiin Koronto la’aan, waxa uuna ku micneeyay cilad.

Dad badan ayaa umaleeya in arrinta ay cilad ka wayn tahay balse maamulaha shirkadda Kenya Power faraceeda Wajeer wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhammeyn doonaa ciladda korontadaas heysata.

Masaajiddii ayaan koronto heysan, isbitaallada, goobaha waxbarashada, shaqooyinka muhiimka u ah korontada iyo waxyaabaha lamidka ah oo idil waxa ay u baahdeen in ay helaan cad ceed illeys ku dhaliye ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Solar-ka).