Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa qof Rayid ah ku dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay murmeen.

Dilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoosyada Geyd Jaceyl iyo Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Qof Goobjooge ah.

Waxaana uu sheegay in halkaasi uu ka dhacay Dibadbax looga soo horjeedo dilkaas, kuwaas oo ay dhigeen dadweyne ka Carooday falkaasi dilka ah ee uu geystay Askari ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Magaalada Muqdisho

Dilalka ay geysanayaan Askarta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii kordhay muddooyinkii danbe, iyadoo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay dowladdu ka qaaday askartaasi.