Akhriso E-Mail Sir Ah Oo Muujinaya In Dawladda Soomaaliya Ay Ka Dambeysay Dib U Dhaca Safarkii Xaaf

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa banaanka soo dhigay dukumintiyo iyo caddeymo muujinaya in  dawladda Soomaaliya ay mas’uul ka ahayd dib u dhicii uu la kulmay madaxwayne Xaaf oo Hargeysa kusugnaa saacado.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dowlada federaalka ay xayirtay diyaarad uu u soo qaadan lahaa magaalada Cadaado, isla markaana ay ku qaadatay muddo 5 saacadood ah inuu ku sugnaado Garoonka Hargeysa, isagoo waayay diyaarad uu soo qaato.

sawirka hoose waa E-mail ama fariin ay wadaageen Axmed Macallin Xasan oo ah masuulka labaad ee hey’adda socdaalka iyo hawada ee Soomaaliya iyo shirkaddii diyaaradaha ee wadday wefdiga Xaaf, taas oo muujineysa in dib loo dhigo safarka mudanaha aysanna diyaaraddiisa kusoo dagin midkood Cadaado iyo Gaalkacyo ba.

Si kastaba aha haaate ugu dambeyn madaxwayne Xaaf wuu ka dagay magaala madaxda Galmudug, kaddib shan isku day oo uu safarkiisa sameeyay.

Hoos ka akhriso E-mailka

Xaaf Plane
Xaaf Plane