Weerar Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Balad-Wayne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in weerar qorsheysan lagu qaaday bar kontorool oo ay ciidanka Dawladda ku lahaayeen duleedka magaaladaas.

Weerarka ayaa ahaa mid qorsheynsan waxaana ay sheegayaan warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidankii goobta ay ugu tageen.

Qaraxyada iyo weerarrada noocan ayaa kusoo badanayay magaalada Balad Wayn iyo guud ahaan deegaannada maamulka Hirshabeelle, waxaana loo aanneeynayaa khilaafka ka jira madaxtinimada maamulkaas,